U bood dhigaalka

Golaha Amaanka Qaramada Midoobey oo Waqtiga u Kordhiyey Maraakiibta Wadamada Badan ee Xeebaha Soomaaliya ku sugan

Sheeko:Dalka

Fadhi uu yeeshey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa looga hadlay falalka burcad badeednimada ee xeebaha Soomaaliya waxayna isku raaceen in sanad kale loogu daro maraakiibta dalalka badan ka socda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya si gaadiidka dalalkooda ka socda ee marin- badeedkaasi maraya ay oga illaaliyaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Kadib markii qaraarka la ansixiyey ayaa golaha waxa ay wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay ugu baaqeen in ay iska kaashaadaan ka jawaabista falalka burcad badeeda.

Waxa ay golaha sheegeen in kaliya aanan burcad badeednimada lala dagaalamin, ee sidoo kale la xaliyo waxyaabaha sababta u ah.

Iyada oo la tixraacayo qodob ka mid ah sharciga Qaramada Midoobey oo dhigaya in xoog la isticmaalo haddii ay duruuri noqoto, ayaa qaraarka Golaha Amaanka waxa uu wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ka codsanayaa in ay soo diraan maraakiib, dayuurayo dagaal, dhisaan bakhaaro saanad loogu xareeyo ciidamada xeebaha ku sugan, qabtaan doomaha laga shakiyo oo ay baaraan.

Qaraar kan ka horeeyey oo golaha ay meelmariyeen ayaa waxa uu dhigayay in la baaro doomaha iyo gaadiidka badda ee galaya ama ka baxaya Soomaaliya si looga hubiyo in ay wadaan dhuxul ama hub, kuwaasi oo labaduba cunaqabatayn la saaray.

Sida lagu sheegey warbixin uu soo saaray xafiiska ka hortaga dambiyada iyo daroogada ee Qaramada Midoobey UNODC, burcadeeda Geeska Afrika ayaa waxa ay haatan heystaan illaa 49 qof oo la haystayaal ah, halka 41 dheeraad ah oo kale ay heystaan kooxo kale oo xiriir la leh burcad badeeda.

Waxaa sidoo kale jirta in illaa sanadkii 2006dii hawlaha burcad badeednimada ay adduunka galisey qarash dhan $1.8 bilyan oo doolar, taasi oo ku timid sicirka badeecooyinka oo kor u kacay iyo hoos u dhac ku yimid dalxiiskii. Intaasi waxaa sii dheer in kooxaha burcad badeeda ay madaxfurasho ahaan u qaateen lacag gaaraysa inta u dhaxaysa $339 malyuun ilaa 413 malyuun oo doolar, sida lagu sheegey warbixin ay wadajir usoo saareen Bangiga Adduunka, Booliska Aduunka iyo UNODC sanadkii 2013-kii.

Ugu dambeynta golaha waxa uu amaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen Booliska Adduunka (INTERPOL) taasi oo ah uruurinta iyo keydinta xogaha ku saabsan burcad badeednimada, iyo la socodka dhaqdhaqaaqooda.

Goobjoog News