U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Muddo Kordhin u Sameeyay Xafiiska UNSOM

Sheeko:Dalka

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo ugu daray Xafiiska UNSOM, kadib kullan ay ku yeesheen maalintii shalay ahayd magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Qaraar lambarkiisu yahay 275 (2016) ayaa golaha ammaanka waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay UNSOM dhanka taageeridda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ka taageerayso nabadda, dib u heshiisiinta, dib u dhiska dowladaha Federaalka, dib u eegista Dastuurka iyo qabanqaabada doorasho cadaalad, xornimo loo wada dhan yahay oo ka dhacda Soomaaliya sanadkaan 2016.

UNSOM ayaa la sheegay in ay howsha sii wadi doonto 31-ka Maarso 2017-ka.

Qaraarada ayaa waxaa ka mid ah soo dhaweynta xiriirka ka dhaxeeya UNSOM iyo AMISOM, iyadoo hoosta laga xariiqay muhiimadda Labadaba ay u leeyihiin inay xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya.

UNSOM ayaa laga codsaday iney xoojiso oo ay adkeyso joogitaankeeda dhammaan magaalo madaxda maamul gobaleedyada, iyadoo xoojineysa baahida ammaan iyo xaaladaha nabad galyo, si loo taageero siyaasad ahaan, nabadeyn iyo dib u heshiisiin dalka ka dhacdo.

3-dii June sanadkii 2013-ka ayaa la sameeyay xafiiska UNSOM waxaana muddada loogu talagalay ahayd 12 bil, balse la sheegay in mudada loo kordhin karo.

Muddii ay jirtay UNSOM waxaa waqti loogui daray Labo Sano oo kala ahaa 2015 iyo 2016.

Goobjoog News