U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee QM Oo Ku Baaqay In La Dhaqan Galiyo Heshiiskii Xabad Joojinta Ahaa Ee Syria

Sheeko:Dalka

Gulaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dalka Syria inay dhaqangeliyaan hehshiiskii xabad joojinta haa ee la saxiixay dhamaadkii sanadkii tagay 2016, waxaana golaha uu sidoo kale codsaday in kaalmooyin bini’adaannimo lala gaaro goobaha ga’doonka uu ka jiro ee waddanka  Syria.

Golaha ammanka ayaa booriyay bayaan ay soo saareen dowladaha taageera waddanka Syria oo ah in dhinacyada isku haya waddanka ay kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa hawlaha xadgudubka si kaalmooyin degdeg ah loo gaarsiiyo goobaha ay dhibaatadu ka jirto.

Golaha ayaa muujiyay rajada ay ka qabaan in dib ay u bilowdaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Syria iyo mucaaradka,isagoo cabiray in si niyad wanaag ay ku dhisantahay ay u bilaami doonaan wadahadalladaas.

W/Q: Jaamac Shidane

Goobjoog News