U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Ee QM: Waan Ilaalineynaa Madaxbannaanida Iyo Midnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay kusoo dhoweeyeen madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo dhanka kalena amaanay madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Goluhu waxa uu sheegay iney soo dhoweynayaan isbedalka cusub ee Soomaaliya iyo hannaanka xasiloon ee loo maray siyaasadda Soomaaliya.

Waxay sheegeen in goluhu mar walbo uu ilaalinayo madaxbannaanida Soomaaliya, xuduudaheeda iyo midnimada dalka.

Sidoo kale golaha ammaanka ayaa ammaanay doorka haweenka laga siiyey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in si wanaagsan loo qiimeeyey.

Qoraal kasoo baxay golaha ammaanka ayaa sidoo  kale lagu bogaadiyey madaxweyne Farmaajo inuu la yimaado hannaan shaqo oo shacabka Soomaaliyeed ku qanci karaan, sidoo kalena lagu soo celinayo xasiloonida Soomaaliya.

Goobjoog News