U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Iyo Monitoring Group Oo Hadlay Hubka Iyo Saldhigyada Militari

Sheeko:Dalka, War

Dalka  Kazakhstan ayaa guddoomisay shir ay guddi ka tirsan golaha ammaanka ee qaramada midoobay uga hadleen hubka, saldhigga militari ee imaaraadka iyo dhammaan arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea.

Kazakhstan oo ka tirsan xubnaha aan joogtada aheyn ee haatan golaha ku jira, waxaa ay sheegeysaa in ay dooneyso ka qeyb-qaadashada dadaallada nabadda iyo dib u dhiska geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Guddigan waxaa gacan siiyo kooxda loo yaqaano Monitoring Group on Somalia and Eritrea oo fadhooga yahay magaalada nairobi.

Kulankan golaha ammaanka waxaa uu imaanaya maalmo kadib markii maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland uu heshiis hal dhinac la galay dalka Imaaraadka, kuna wareejiyay Airportiga magaalada dubai.

Monitoring Group oo shaqadooda tahay la socodka dhaq-dhaqaada hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea  waxaa la aasaasay 2003-dii.

Goobjoog News