U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Cunno-Qabateyn Saaray Kuuriyada Waqooyi

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa isku raacay go’aanka Mareykanka ah kaasi oo lagu xoojinayo cunna-qabateynta la saarayo kuuriyada waqooyi, taasi oo fal-celin u ah gantaal uu tijaabiya dhawaan hoggaamiyaha waddankaasi Pyongyang.

Go’aanka lagu saarayo cunna-qabateynta kuuriyada waqooyi  ayaa waxaa taageeray dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, waxaa uuna soo jeediyey golaha ammaanka in dowladaha Shiinaha iyo Ruushka aysan wax kala soo dagin ama aysan u dhoofin kuuriyada waqooyi wax badeeco ah,waxaana kiiskaas u codeeyay dhammaan xubnaha qeybta ka ah golaha ammaanka oo ka kooban 15 xubnood.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha war ka soo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta kuuriyada waqooyi lagu dhameeyo hab diblomaasiyadeed.

Kuuriyada waqooyi ayaa waxay la kulantay cambaareyn caalami ah taasi oo uga imaaneysay wadamada caalamka oo uu ugu horreeyo Mareykanka,waxayna arrintaasi salka ku heysay markii ay tijaabisay gantaalka lixaad Nukliyeerka.

Goobjoog News