U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Cuno Qabateyn Cusub Ku Soo Rogay Kuuriyada Waqooyi

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cuno qabateyn cusub ku soo rogay Kuuriyada waqooyi, taasi oo la xiriirta barnaamijkeeda Nukleerka.

Golaha ayaa sidoo kale waxuu qabtay kulan xayiraad lagu waxyaabaha ay dhoofiso Kuuriyada waqooyi,  iyadoo dhanka kale sharuudo lagu soo rogay in maalgashi lagu sameysto gudaha dalkeeda.

Sida ay sheegayaan tirikoobyo la sameeyay, Kuuriyada waqooyi waxay dhoofisaa sanad walba  badeecooyin badan, kuwaas oo qiimo ahaan gaaraya ku dhawaad 3 bilyan oo doolarka mareykanka ah, waxaana suurto gal ah in cuno qabateyntaan cusub ay u keeni karto hoos u dhac dhaqaale.

Sanadkaan gudahiisa, ayaa dowladda Shiinaha waxay joojisay dhuxushii ay kala soo dagi jirtay Kuuriyada waqooyi, ka dib markii ay kor dheen cadaadisyada uga imaanayay dhanka  Pyongyang.

Goobjoog News