U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Go’aamiyay In AMISOM Sii Joogto, Tiro Ahaanna La Dhimmo 2019-ka

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isniintii go’aamiyay qaraar ay AMISOM ku sii joogeyso Soomaaliya si nabad ilaalin ahaan ah ilaa May 31, 2019.

Waxaa kale oo isla qaraarka ku jira, in tirada AMISOM hoos loo dhigo, oo laga geeyo ilaa 20,626 bisha Feb. 28, 2019 iyo in lagu daro tiro booliis ah oo garaya ugu yaraan  1,040.

Go’aan cusub waxaa uu ka hor imaanayaa mid horay loo gaaray kaas oo ahaa in la dhimo ciidamada AMISOM oo laga dhigo 20,626 bisha Oct. 30, 2018, laakin sida go’aanka cusub ka muuqata ku dhowaad sanad ayaa dib loo dhigay.

AMISOM waxaa ay howl-galkeeda bilowday 2007-dii, waxaa ayna taageeraan dowladda federaalka ah sidii ay dalka nabad iyo xaslooni uga soo dabbaali laheyd.

Goobjoog News