U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Kuuriyada Waqooyi Ku soo rogay Cuno-qabateyn

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa cunoqabateen kusoo rogay   Kuuriyada Waqooyi, arrintaani ayaa jawaab u ah markii Kuuriyada Waqooyi ay si is xig-xigtay ay u tijaabisay Gantaallo.

Cunoqabateyntaan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo rogay afar shirkadood oo ay leedahay dowladda Kuuriyada Waqooyi iyo 14 mas’uul oo u dhalatay Kuuriyada Waqooyi Mas’uuliyiinta xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jira madaxa sirdoonka dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha ammaanka, Mareykanka, Shinaha ayaa todobaadyo ka hor waxay u codeeyeen in Kuuriyada Waqooyi la saaro cunqabateyn.

Golaha ammaanka ayaa markii ugu horreysay waxa uu cunoqabateyn ku soo rogay Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2006 kii iyadoo jawaab looga dhigay barnaamijka hubka Nokleerka oo ay sameysato.