U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Muddo Kordhin U Sameeyey Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya (UNSOM)

Sheeko:Dalka

QARAMADA MIDOOBAY- Golaha ammaanka ayaa meelmariyey qaraar dib loogu cusbooneysiinayo xafiiska Qarmada Midboobay ee Soomaaliya (UNSOM) illaa bisha March 31, 2020.

Marka la eego qaraarka tirsigiisu yahay 2461, Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM wuxuu sii wadayaa inuu ka qeybqaato nidaamka taageero iyo la talin ee la siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hawl-galka Midowga Africa ee (AMISOM) ee dhinacyada nabadeynta iyo dhismaha qaranka.

Qaraarkan ayaa looga codsaday UNSOM inay sii waddo siina xoojiso hawl-galladeeda Soomaaliya ee dhammaan maamullada Soomaaliya.

Waxaa hoosta laga xarriiqay muhiimadda xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ee dhinacyada siyaasadeed iyo farsamo, sidoo kale saadka iyo iyo taageerada iyadoo lala kaashanayo xafiiska UNka ee Soomaaliya ee ka caawiya Soomaaliya dhismaha siyaasad guud oo lagu nabadeynayo dalka laguna gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020/2021.

Waxaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah inay dardargeliyaan fulinta isbeddellada lagu sameynayo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay qaab-dhismeedka ammaanka qaranka.

Qaraarkan ayaa lagu cambaareeyey sii-socoshada xadgudubyada ka dhanka ah carruurta oo ay ka mid tahay ciidameynta carruurta, kufsiga iyo afduubka oo ay si gaar ah u geystaan Alshabaab waxaana qaraarku ku boorriyey dhammaan qeybaha ku lugta leh dagaallada inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo loogana hortagayo qalalaase iyo xadgudubyo dheeri ah.