U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka Oo Qabanaya Fadhi Degdeg Ah Oo Looga Arrinsanayo Weerarkii Kiimikada Ahaa Ee Lagu Qaaday Doma

Sheeko:Dalka

Washinton ayaa sheegtay in golaha ammaanka uu manta qabanayo kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo weerarkii kiimikada ee lagu qaaday magaalada Doma ee bariga Dimishqa.

Arrinkan ayaa yimid ka dib markii safiirka u fadhiya Mareykanka  qaramada midoobay Nikki Haley ay soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadleyso in golaha manta oo Isniin ah uu qaban doono fadhi looga arrinsanayo weerarka ka dhacay Suuriya.

Nikki Haley ayaa sheegtay in weerar Kiimiko ah loo adeegsaday magaalada Doma ee Suuriya ay tahay arrin shaacsan laguna dilay dad badan oo shacab ah.

Sabatidii ayey ahyed markii 78 qof ay ku dhinteen weerar loo adeegsaday Kiimiko oo ka dhacay magaalada Doma ee Suuriya halka boqolaal kale ay waxyeello ay ka soo gaartay weerarkaas.

Goobjoog News