U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka: Waa in Sharciga Doorashada La Meel-mariyaa June. Mahad Salaad: Macquul Ma Aha

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa hey’adaha dowladda ee federaalka ah ugu baaqay iney meel mariyaan sharciga doorashooyinka June sanadkan, taasi oo u golol xaareysa iney doorasho dhacdo 2020-ka.

Qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka federaalka ah ugu baaqay in ay ka dhammaadaan sharciga doorashooyinka, waxa kale oo lagu baaqay in doorashooyinka Jubbland iyo Galmudug u dhacaan si sharciga waafaqsan.

Dhankiisa, Xildhibaan Mahad Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney adag tahay in baarlamaanka federaalka ah uu ka dhammaado sharciga doorashooyinka 2-bada bil ee soo socota, marka la fiiriyo shaqada adag ee laga qaban-doono hindise sharciyeedka, isaga oo intaasi ku daray in marka laga soo tago akhrinta golaha shacabka oo 3 jeer ah, guddiga oo ugu yaraan bil la maqnaan doono ay hadana u gudbin doonaan aqalka sare oo isna akhrin iyo weliba wax ka badan iney sameeyaan ay dhici karto.

Xukuumadda Kheyre ayaa la rabay iney mar hore u soo gudbiso baarlamaanka, laakin waxaa muuqato in hadda oo golaha ammaanka culeys saaray ay hor geeyaan baarlamaanka.

Kalfadhiga 5aad ee golaha shacabka waxaa uu furmay arbacadii halka aan la ogeyn goorta uu furmayo aqalka sare.

Goobjoog News