U bood dhigaalka

Golaha Amniga Jubbaland Oo War Kasoo Saaray Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Golaha amniga Jubbaland ayaa kulankoodii Billaha ahaa waxay kaga hadleen arrimo u badan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyaga oo isku raacay in la xoojiyo.

Sarreye Gaas Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo ah la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabihii la isku raacay.

Waxa uu tilmaamay in la isku raacay in la xoojiyo lana dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Jubbaland iyadoo la gaashanaya dowladda federaalka iyo cid walbo oo gacan ka geysaneysa.

Sidoo kale, Dhuumaal ayaa sheegay in golaha amniga Jubbaland isku raacay in la adkeeyo amniga deegaannada lagala wareegay Al-shabaab, sidoo kalena la qabto deegaanno kale oo hor leh.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka mid ah Jubbooyinka.

Goobjoog News