U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Ah Soomaaliya Oo Fasax Galay

Sheeko:Dalka

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo xiray kalfadhigiisii 4aad, arrintan ayaa ku timid fariin ka soo baxday xafiiska guddoomiyha golahan Cabdi Xaashi.

Sida uu qabo dastuurka KMG ah, goleyaasha sharci-dejinta waxaa ay sanadkii kulmayaan labo kalfadhi halka mid weliba dhammaadkiisa ay leeyihiin fasax, taasi ayaana hadda la cuskaday.

Wararka waxaa ay sheegayaan in kalfadhiga 5aad ee aqalka sare uu furmi-doono 10-ka Maarso ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in arrimo badan ay xilligaasi qabtaan.

Waxaa xusid mudan in golaha aqalka sare uu hakiyey wada shaqeyntii uu la lagaa golaha shacabka kadib markii aqalka dambe lagu eedeeyey inuu baalmaray dastuurka.

Goobjoog News