U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay 5 Guddi iyo Labo Habdhowre oo uu Yeelanayo Golaha

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka Sare oo maanta iskugu yimid kalfadhigoodii Koowaad kulankiisii Lixaad ayaa maanta waxay Ansixiyeen Labo Hab-dhowre oo rasmi ah iyo 5 guddi oo Kumeelgaar ah.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen illaa 37 xildhibaan ayaa waxaa shirguddoominayay guddoomiyaha golaha ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabista guddiyo kumeelgaar ah iyo Ansixinta Habdhowrka Golaha.

Kulanku markii uu farmay ajandahana lagudogalay ayaa waxaa la meelmariyay 5 guddi oo kala ah, guddiga Amniga, Guddiga Miisaaniyadda, Guddiga Shaqosiinta, Guddiga Xeer-hoosaadka, iyo guddiga Astaan sameynta Golaha Aqalka Sare, waana sida ay noo xaqiijisay Fartuun Cabduqaadir Faarax oo ka tirsan golaha.

Intaa kadib, ayaa goluhu waxay meel mariyeen Labo habdhowre oo uu yeelanayo Golaha Aqalka Sare kuwaas oo kala ah, C/Kaafi Macallin Xasan iyo Xil. Fartuun C/Qaadir Faara.

Guddiyada la magacaabay ee Golaha Aqalka Sare ayaa isla barri ubaallansan iney howlaha shaqo ee loo igmaday ay ambaqaadaan si ay uga mirodhaliyaan howlahooda.

Goobjoog News