U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa ku ansixiyay  Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka.

Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayna goob joog ka ahaayeen Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senator Moowlid Xuseen Guhaad, Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow iyo Wasuurka Ganacsiga ,Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa dood dheer kaddib waxa ay Golaha meel mariyeen Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka

27 Senator ayaa Haa ku ogolaatay, waxaana ka aamusay hal mudane mana jirin cid diiday sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Ugu dambeyntii Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo xiray kulanka .

Goobjoog News