U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare Oo Ansixiyey Xaqsiinta Ciidamada Howlgabka ah

Sheeko:Amniga

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa maanta ansixiyay Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida  ee dalka.

Kulankii oo ahaa mid 31-aad Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddominaayey  guddomiyaha golaha Aqalka sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada waxaana goobjoog ahaa  guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajanda Kulanka ayaa ahaa:

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

2)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan uu Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Howlgabnimada,Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani waxaana Ogaalada 30 Senatar waxaana Ka aamusay 1 Senatar mana jirin Senatar diiday Hindise-sharciyeedka maanta uu meel mariyey golaha Aqalka Sare BFS.

Goobjog News