U bood dhigaalka

Golaha Aqalka Sare Oo Magacaabay Guddiyada Joogtada Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxaa ay ku soo xusheen guddiyada joogtada ah,

Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdullahi,  waxaa sidoo kale joogay guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari ) iyo ku xigeenka 2aad Mowliid Guhaad, waxaa uu ku furmay 36 Xildhibaan, Ajendahana waxaa uu ahaa xulista guddiyada joogtada ah ee aqalka sare.

Golaha Aqalka sare, waxaa ay magacaabeen oo keliya magacyada guddiyada joogtada ah, waxaa dhimman dhismaha guddi walba oo hadda waxaa Xildhibaannada loo sheegay in ay soo doortaan 3 guddi oo midkood lagu dari doono, waxaa intaasi kadib uu guddi walbo dooran doonaa guddoomiye.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Guddiyada Joogtada Ah Ee Aqalka Sare

  1. Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaannada Iyo Dayeelka Xildhibaannada Aqalka sare
  2. Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta
  3. Guddiga arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka dowlad goboleedyada
  4. Guddiga difaaca iyo Amniga
  5. Guddiga arrimaha dibadda, Qorsheynta, Maalgeshiga iyo Iskaashiga caalamiga
  6. Guddiga horumarinta adeegga bulshada, Arrimaha banii’aadnimada, Warfaafinta iyo dhaqanka.
  7. Guddiga Kheyraadka, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo gadiidka.
  8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska

Goobjoog News