U bood dhigaalka

Golaha Deegaanka Garoowe Oo Kasoo Horjeestay Kala Diristii Lagu Sameeyey

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka magaalada Garoowe ayaa kasoo horjeestay kala diris uu dhowaan ku sameeyey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Mowliid Axmed Yuusuf oo ka mid ah golaha ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in Gaas aanu waddo sharci ah usoo marin kala diristooda.

Waxa uu tilmaamay Mowliid, in madaxweyne Gaas oo ka duulaya mooshin ay gole ahaan ka keeneen guddoomiyaha Garoowe ay keentay in uu soo saaro warqad kala diris ah.

“Walaalow madaxweynaha si sharci ah uma aanu soo marin kala diristii uu nagu sameeyey waayo maxkamad dastuur ah maba jirto, annaga shaqadeennu waa inaan cidda aan shaqo hayn inaan la xisaabtanno, waxana rabnay inaan mooshin ku canaano guddoomiyaheenna” ayuu yiri Mowliid.

Dhowaan, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa lagu kala diray golaha deegaanka ee magaalada Garoowe.

Goobjoog News