U bood dhigaalka

Golaha Dowlad Goboleedyada Oo Dowladda Federaalka Ah Ku Taageeray Go’aankeeda Qoondada Somaliland

Sheeko:Dalka

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa qoraal ay soo-saareen ku taageeray go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan in la hakiyo deeqaha gaarka ee la siiyo Somaliland.

Golaha waxaa uu beesha caalamka gaar ahaan dalalka deeqaha bixiya uga mahadceliyay sida ay mar walba u taageeraan Soomaaliya iyaga ka soo horjeestay ololeha socda ee a in maamul gaar ah la siiyo qoondo gaar ah.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dowlad goboleedyada waxaa ay taageereen dowladda federaalka ah iyo qoraal uu soo saaray wasiirka qorsheynta Jamaal Xasan 9kii June 2018 kaas oo la xiriiray cusbooneysiinta heshiiskii gaarka ahaa ee waqtigiisa dhammaaday, heshiiskaas oo qeyb ka ahaa New deal-ka waxaa uu ahaa 2013-2016, dowlad goboleedyada waxaa ay ku taliyeen in haddii cid gaar loo fiirinayo lagu saleeyo dhaqaalaha mid weliba oo dowlad goboleedyada ah ee aan la eegin maamul raadinaya madaxbannaani.

Dowlad goboleedyada waxaa ay dalbadeen in xoojiyo dowladda federaalka iyaga oo ka digay in wiiqo awoodda hey’adaha dowladda, waxaa kale oo ay soo-jeediyeen in lagu shaqeeyo qorshaha dowladda.

Goobjoog News