U bood dhigaalka

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Muddo 9 bilood ah u Kordhiyay Golaha Wakiillada

Sheeko:Dalka

Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta markii 5aad xilka u kordhiyey golaha wakiillada, waxaa lagu daray 9 bil oo hor leh.

Doorashada golaha wakiillada ayey sheegeen in ay qabsoomeyso bisha 12aad ee sannadkan, halka muddo xileedka gola wakiilladu ku eegyahay bisha koowaad ee sannadka 2020ka

Muddo kordhintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xisbiyada Somaliland isku khilaafsan yihiin wakhtiga ay qabsoomeyso doorashadu

Beesha caalamka ayaa marar badan su’aalo ka keentay sababta ay Somaliland u qaban la’dahay doorashada goleyaasha baarlamaanka.

Goobjoog News