U bood dhigaalka

Golaha Guurtida Somaliland Oo Diiday Codsi Kaga Yimid Madaxweyne Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta diiday codsi uga yimid madaxweyne Siilaanyo, ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Codsiga uu soo jeediyay Siilaanyo ayaa ahaa in Golaha ay wax ka bedal ku sameeyaan go’aan ay horay uga gaareen mudada la qabanayo doorashada Somaliland, lana waafajiyo heshiiskii xisbiyada ee ahaa December 2016-ka in doorashadu ay dhacdo.

Hadaba kulan saacado qaatay oo ay isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida ayaa waxay ku diideen codsigaasi, iyaga oo sheegay in sharciga aan la hareer mari karin.

Ku simaha gudoomiyaha golahaasi Saciid Jaamac Cali ayaa sheegay in goluhu ay ku kala aragti duwanaadeyn codsiga Siilaanyo, islamarkaana codeyn ka dib codsigaasi la diiday.

Waxa uu sheegay in sharciga uu ka weyn yahay wax ay isla garteen Xisbiyadda, islamarkaana Siilaanyo hadii uu dood kale qabo waxa ay sheegeen in looga baahan yahay inuu aado Maxkamadda sare.

Golaha guudrtiga ayaa horay u sheegay in doorashada Somaliland ay dhici doonto sanadka 2017, heshiis ay gaareen xisbiyadana waxa ay isku raaceen in doorashada laga dhigo December 2016-ka

Goobjoog News