U bood dhigaalka

Golaha Guurtidi Somaliland Oo Muddo Kordhin u Sameeyay Xukuumadda Siilaanyo

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen golaha guurtida ee maamulka Somaliland ayaa muddo kordhin waxaa loogu sameeyay xukuumadda uu hogaamiyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

Golahan ayaa isku raacay in markii ay arkeen arimo badan ay go’aan sadeen lagu daro waqti ah Sanad iyo 10 Bilood.

Halkaan Hoose ka akhri qoraalka ay soo saareen Golaha Guurtida:-

Golaha Guurtidda SL , ayaa isagoo tixraacayay warqada Madaxwaynaha SL ee LrSL/M/GG/81/2-3218/04/2015 ee25/04/2015, kuna saabsanayd nuxur ahaan ka waajibaad qaadashada dibu- dhaca ku yimid doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, kuna lifaaqnayd warqaddii koomishanka doorashooyinka qaranka, ayaa gudo galay muddo korodhsiimada .

Si Goluhu uga guto xilka kaga aadan, ayuu shir- Gudoonka Golaha Guurtidu u magacaabay guddi ka koobnayd 30 xubnood, oo kala ahaa 28 mudane, Xoghayaha Guud ee Golaha iyo lataliyaha sharciga 30/04/2015, Goluhuna ansixiyay kuna ansixiyay cod loo dhana(Unanimous ) .

Guddiggu fadhigoodii ugu horeeyay oo qabsoomay 3/05/2015 waxay ku dajisteen qorshe hawleedkoodii ay ku shaqayn lahaayeen , iyado qoraalo kala gaar –gaar ah loo kala gudbiyay saddexda xisbi qaran iyo koomishanka doorashooyinka , si loo dhagaysto aragtiyohooga kala duwan ee ay ka qabaan dib-udhaca doorashoyinka ku yimid iyo wakhtiga ku haboon ee ay u qabsoomi karaan si sharciga waafaqsan .

Kullankii ugu horeeyay wuxuu Guddigu ka dhagaystay si kala gaar-gaar ah labadda Xisbi ee kala ah UCID iyo WADDANI 05/05/2015.

Sidoo kale waxay Guddigu kullankooddii labaad-(2aad) la kala yeesheen xisbiga kulmiye iyo Koomishanka Doorashooyinka qaranka(KDQ) 06/05/2015.

Kullamaddaasi waxa lagu dhagaysanayay  araa’da ay qabaan iyo wixii tallooyin ah ee ay soo jeedinayeen . Dhinaca kale xubnaha Guddiggu waxay caddaymo iyo su,aalaba ku waydiiyeen Guddigga Doorashooyinka Qaranka . caddaymahaasi iyo su’aalahaasiba waxay ahaayeen qaar dhinacyo badan oo kala duwan taabanayay.

Ugu dambayntii Guddiggu waxay tallo soo- jeedin dambe ka dhagaysteen Xisbiyada Qaranka 09/05/2015, taasi oo ay ku kordhinayeen tallo soo-jeedimahoogii hore .

Guddiggu dood iyo falanqayn ka dib waxay qiimayn mugleh oo ballaadhan ku sammeeyeen xaalaadka guud iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dalka.

Dhinaca kale waxay Guddiggu diirada ku saareen , lagama maarmaana u arkeen in Diwaan-galinta muwaadinka , codbixiyayaasha iyo doorashooyinkuba si xor ah , xalaal ah oo nabadgalyo ku dheehantahay uga wada qabsoomaan dhammaanba dalka , gaar ahaana Gobollada iyo Degmooyinka Bariga ,iyado la ilaalinayo midnimadda iyo isu-dhamaashaha dhul ahaaneed ee JSL .

Guddiggu waxay yaqiinsadeen inay jiraan fara-galino dibadeed oo lagu kala qaybinayo, dad ahaan iyo dhul ahaanba JSL, taasina ay ka soo horjeedo jiritaanka iyo midnimadda ummadda Somaliland , sida ku cad Qoddobka 38aad, farqadiisa 4aad, xarafkiisa (b) ee Dastuurka JSL .

Guddiggu waxay is- tuseen baahida loo qabo xoojinta amniga Gobolladda iyo Degmooyinka Bariga , iyo isla-marahaantana xal u helidda wixi tabashooyin iyo khilaafaad jira, taasi oo ubaahan wakhti lagaga bogan karo suullinta arrimahaasi , iyadoo la –isla kaashanayo Dawlad iyo shacbiba .

Waxa kale oo Guddiggu, dood iyo falanqayn dheer ka dib , garwaaqsadeen inay jiraan qabyooyin dhinaca shuruucda ah, oon la’aantood la mudayn Karin , lana qaban Karin doorashada.

Guddiggu waxay intaasi ku dareen xaalada cimmilladda ee dhinaca xeebaha iyo wakhtiga ku habboon inay doorashooyinku ka qabsoomaan .

Haddaba Golaha Guurtidu ,Markii  uu dhagaystay warbixintii Guddigga oo ay ku ladhnaayeen fikradihii,aaraadii , iyo tallooyinkii

seddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka; 

Markii uu qiimeeyey xaaladka , iyo duruufaha ka jira Gobolladda  iyo Degmooyinka Bariga iyo guud ahaan ba SL ;

Markii uu  lagama-maarmaan u arkay in ay ka suurto –galaan   Diwaan-gelinta muwaadinka iyo cod-bixiyeyaashu dhammaanba SL , si ay u suganto is- raacsananta dhul ahaaneed iyo dad ahaaneedba ee Dastuurku waajibiyay ;

Markii uu   yaqiinsaday in go’aankii ay ku cayimeen Koomishanku wakhtiga doorashadu u ahaa mid baalmarsan,waa

faqsanayna Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyago sammeeyay muddo korodhsiimo anay awood sharciyeed u lahayn ;

Markii ay arkeen in xeerkii hore ee doorashada ee Golaha wakiiladu u ku dhaqankiisu ku ekaa doorashaddii hore oo kaliya , illaa haddana anu jirin xeer u diyar ah doorashada Golaha Wakiiladda, kaasi oo u baahan wakhti, wada-hadal, is-qancin, iyo isu-tanaasul dhinaca saami-qaybsiga oo hore moran uga taagnaa, illaa haddana u ka taagan yahay;

Markii  uu    qiimeeyay xaaladka cimmilladda ee degmooyinka Xeebaha dalka JSL iyo wakhtiga ku haboon inay doorashadu  ka qabsoonto ;

Markii uu si mugleh u qiimeeyay xaalaadka dhaqan/dhaqaale bulsho, iyo nabadgalyaba, guud ahaanba , gaar ahaana saamaynta dhaqaale ee colaadda ka oogan gacanka cadmeed ay ku yeellatay ganacsigii Somaliland ;

Iyadoo laga taxadirayo , dib- u dhac dambe oo ku yimaada Doorashooyinkan iyo mudo kordhin soo noq-noqota Iyo dhammaystir la’aan qabyooyinka taagan ;

Marku arkay Qoddobka 42aad faqradiisa seddexaad ee Dastuurka somaliland ;

Marku  arkay Qodobka 83aad faqradiisa 3aad iyo 5aad ee Dastuurka dalka Somaliland;

Isago ka duullaya , tix galiyeyna , kuna go’aan qaatay dhammaanba asbaabaha kor ku sheegan, kuna cad;

Wuxuu soo saaray Go’aamaddani: 

Muddo korodhsiimooyin.

            1-  Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman

warqadda lambar KDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay

waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka JSL .

2-  Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo

ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

4Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib (one year after) dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .

5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka  Somaliland .

B-    Wajibadka la kala  qabanayo, la wada qabanayo iyo hawlaha la dhammaystirayo

  • Iyadoo xukuumaddu horumuud ka ah , waa in si deg-deg ah qorshe dhammaystiran oo iskaabaya ( comprehensive and special programme ) oo qaran lagu wajaha Gobolada iyo Degmooyinka Barriga , oo laga taabo- galiyaa maamul adag iyo amni, si looga suurto- galiyo diwaangelin muwaadin , cod-bixiye iyo doorashaba .

Sidoo kalena loo sammeeyaa Barnaamij hawleed u gaar ah , oo laga wada qayb –galayo Goleyaal ahaan ,Xisbiyo Qaran ,koomishan doorasho, waxgaradka bulshada qaybahooga kala duwan iyo shacbiba .

  • Qabyooyinka dhinaca xeerarka Goleyaasha (Wakiiladda iyo Guurtiddaba) iyado xukuumaddu ku hoggaaminaysa waa in si wada jir ah oo xil-kasnimo ku jirto loo dhammaystiraa , qorshe deg-deg ahna laga yeesha . waajibaad gudasho la’aan ayay noqonaysaa haddii aan loo qalab qaadanin dhammaystirka qabyooyinka dhinaca shuruucda .
  • Golaha Guurtidda waxa ku waajib ah isagoo gacan-siinaya xukuumadda inuu ka qayb qaato iskuna diyaariyo adkaynta nabadgalyada iyo wacyi-gelinta bulshadda qaybaheeda kala duwan.
  • Golaha wakiiladda waxa ku waajib ah in uu meel-mariyo qaybna ka qaato hindise sharciyeedyada qaranku u bahan yahay si fir-fircoon

oo xilkasnimo ku jirtana u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah .

  • Koomishanka Doorashooyinka Qaranka waxa waajib ku ah in ay ku tallo –galaan siddi Degmo kasta iyo Gobol kasta looga hirgalin lahaa diwaan-gelin muwaadin , codbixin iyo doorashaba.
  • Koomishanka Doorashoyinka qaranku , waa in ay ku tallaabsadaan barnaamij wax ku ool ah oo horseedaya doorashooyin xor iyo xalaal ah, qof kastaana ku dhiiban karo hal cod oo keliya, isla -marahaan –taana siiyaan muwaadiniinta isdiwaan-gelinaysa wakhti ku filan.
  • Koomishanka waxa waajib ku ah ku dhaqanka shuruucda iyo Dastuurka dalka JSL.
  • Xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah in ay la yimadan Barnaamijyo siyaasadeed oo bulshadda ka gudbinaya caqabadaha kala duwan ee haysta ee ragaadiyay horu-markooda, kana waantoobaan wixii bulshadda iska horkeenaya ee dibu-dhaca ku keenaya.

Ugu dambayntii Goluhu wuxuu baaq u soo jeedinaya ummadda reer Somaliland Guda & Dibadda, waxayna  ka codsanayaan  kuna adkaynayaan in taabogalinta iyo meelmarinta himmilooyinka Qaranka meel looga soo wada jeesto yar iyo waynba.

Dhinaca kalana beesha caalamka waxaan u shegaynaa in qarankani iyo ummaddiisuba u baahan tahay tageeradooda ,balse teegaradoodu  anay noqon mid ka soo horjeeda maslaxada, danta, rabintaanka, doonista shacbiga iyo jiritaanka madax-bananidda JSL.

Go’aamadani waxaa lagu ansixiyayay oo ogoladay 72 iyado tirada kooramku ahayd 77 waxa diiday2  waxaa ka aamusay 0 Gudoomiyuhuna ma uu coddayn.

DHAMAAD