U bood dhigaalka

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada: Dowladda Federaalka Waxaa Ay Baydhabo Geysay Hub Iyo Ciidan

Sheeko:Dalka

Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo.

 Cabdullaahi Sheekh Xasan oo arrintaas ka hadlaya “Shalay Baydhabo waxaa ay geeyeen baabuurta loo yaqaano pullet ee aaney xabadda karin iyo ciidamo ilaa kontameeyo ah, oo xamar laga soo daabulay, maanta kuwoo kale ayey ku soo waddaa inay geyso”.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Cabdullaahi Sheekh Xasan , waxaa uu sheegay inay jirto siyaasad iyo amniga loo dhan yahay oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, oo halkaas lagu go’aamiyo siyaasadda iyo amniga.

“in wada shaqeynta hakad ku yimaado waxaa ka mid ahaa in dowladda wixii hora loogu heshiiyey ay caksigooda isticmaasho, haddii lagu heshiiyey in Al-shabaab lala diriro oo waddooyinka la furo in Al-shabaab ay siiso hubkii qaranka loogu talo-galay, haddii lagu heshiiyey in wadanka siyaasadiisa hoos loo dejiyo, oo dastuurka la geeyo iyo tuulooyinka wuxuu dhaafi la’yahay Xamar, uu iska noqday mashuurc, oo ay isku deydo inay dalka dastuur u samryso’ ayuu raaciyey.

Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota.

Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas.

Goobjoog News