U bood dhigaalka

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo Codsaday In La Hakiyo Ka Doodista Hindise Sharciyeedyada

Sheeko:Dalka

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (GIDG) ayaa qoraal kasoo baxay waxaa guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya looga codsaday inuu hakiyo anisixinta hidise sharciyeedyada ka yimaada xukuumadda federaalka ah.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddigaasi C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in dhammaan hindise sharciyeedyada horyaalla golaha shacabka iyo kuwa ay anisixiyeenba dhammaantood aan lagala soo tashan dowlad goboleedyada, sidaasi darteedna aqalka sare laga doonayo inuu hakiyo marka dhankooda loo soo gudbiyo.

Halkaan hoose ka akhriso:

Sax