U bood dhigaalka

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Oo War Kasoo Saaray Kuraasta Banaan Ee Baarlamaanka 10-aad

Sheeko:Baarlamaanka

War-murtiyeed kasoo baxay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay arrimo la xiriira kuraasta banaan ee baarlamaanka 10-aad, kuwaasi oo dhowaan gal dacwadeed u furtay maxkamadda sare ee dalka.

Golaha ayaa sheegay iney ka xun yihiin kana soo horjeedaan go’aanka maxkamadda sare ay gal dacwadeedka ugu furtay kuraasta xildhibaannada bannaan, kuwaasi oo la qorsheynayey in la qabto doorashooyinkooda.

Waxa uu golaha ugu baaqay guddiga doorashada madaxa banaan in doorasho walba ee kuraasta xildhibaannada ka banaan kusoo beeganta inta uu jiro baarlamaanka 10-aad loo aro sida uu qabo xeerka hannaanka dooreashada dadban iyo sidoo kale xeerka golaha shacabka ee soo baxay 22 Luuliyo 2017.

Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka:

Golaha