U bood dhigaalka

Golaha Shacabaka oo Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Beeraha Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xidhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey sharciga Beeraha Soomaaliya, kaas oo horay u soo gudbisay wasaaradda beeraha.

Xildhibaannada ayaa maanta kulankoodii akhrinta akhrintii 3-aad, waxaa ay  marsiiyeen sharciga waxaana u codeeyey 139 xildhibaan, waxaa diiday 2 xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 xildhuibaan.

Sidoo kale Xildhibaanada Ayaa Loo Qeybiyey hindise sharciyeedyada kala ah ,

1.Sharciga Xubnaha Adeega Garsoorka
2.Sharciga Xubnaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa,
3.Hindise-sharciyeedka Hay’adda Dhiiri-Galinta Maalgashiga Soomaliyeed,
4.Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Maalgashiga Iyo Maalgashatada,
5.Qaybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga Aheyn,

Kulanka Maanta Ayaa waxaa shir Guddominaayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJF Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, Guddomiye Ku Xigeenka 1aad ee Cabduweli Shekh Ibrahim Muudey, Iyo Guddomiye Ku Xigeenka 2aad ee Mahad Cabdalla Cawad.

Goobjoog News