U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Doodda Amniga Oo Maanta La soo Gabagabeynayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa doodda ay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ka yeesheen arrimaha amniga.

Kulankan oo ah kii 4aad, ee kalfadhiga 4-aad ayaa lagu wadaa in si fiican looga hadlo xaaladda amniga dalka iyo sida ay tahay in wax looga qabto.

Xildhibaannada oo aad u badnaa ayey doodda qaadatay maalmo, waxaana ugu dambeyntii ka soo bixin-doona go’aan.

Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka.

Wararka, iyo doodda amniga kala soco, Goobjoog News