U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Ee BF oo Furaya Kiiska Dilkii Almaas Elman

Sheeko:Amniga

Warar naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in loo yeeray labo wasiir oo xukuumadda federaalka ah ka tirsan si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho.

Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiirrada si wax looga weydiiyo haweeneydan sidoo kale heysatay dhalashada Canada ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira, lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale.

Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed Caamaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo.

24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn.

Goobjoog News