U bood dhigaalka

Golaha Shacabka ee BF oo La Horgeeyey Sharci Ogolaanaya Guurka Caruurta

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa haatan horyaalla sharci ogolaanayo in la guursado caruurta da’da yar. Sharcigan oo buuq dhaliyey ayaa la soo badalay kii ay golaha wasiirrada ansixiyeen, halka markii hore sharcigan ay ugu qorneyd da’da qaangaarta iney tahay 18, culimadana Soomaaliyeedna ay ku doonayeen 15 ayaa labadiiba laga saaray, iyada oo lagu koobay in caruurta la guursan karo.

Qodobka 26aad ee sharciga waxaa uu u qoran yahay sidan:

Heshiiska guurka qofka yar shareecada islaamka waa ku bannaan tahay, waxaase ay qabtaa in wakhtiga aqal galka lala sugo, ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyada oo laga feejignaanayo dhibaatada caafimaad oo ku dhici karta, saadarteed lama oga in loo galmoodo qof aan awood u laheyn galmada, qofkii u galmooda, wuxuu muteysanayaa ciqaabta dhaawac ama fal xumo oo shareeco ahaan “Tacsiir ah”.

Qodobkan waxaa ka horyimid haweenka ku jira golaha shacabka, hey’adaha u dooda xuquuqda caruurta iyo beesha caalamka ee deeqaha siisa dowladda federaalka ah.

Goobjoog News