U bood dhigaalka

Golaha Shacabka: Guddiga Joogtada oo Wasiir Islow iyo Hey’adaha Amniga Ballan Weyn u Qabtay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in saaka guddiga joogtada ee golaha ay la kulmeen hey’adaha amniga oo uu horkacayo wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sida la sheegay mooshin laga keenay hey’adaha amniga iyaga oo lagu ballamiyey in arrinta lagu dhameeyo si hoose oo guddiga joogtada ah ku ekaato.

Warar ay Goobjoog News ka heshay kulanka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiir Islow iyo raggii la socday lagu diiday in la dhageysto, loona ballamiyey in hor yimaadaan golaha weyn ee shacabka oo halkaas lagula xisaabtamo.

Abukar Islow iyo kooxda la socotay ayaa isku dayey mar badan iney guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee golaha shacabka ku qanciyaan dalabkooda laakin waa laga diiday, oo lagu balamiyey kulan weynaha guud ee golaha.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow waxaa la socday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) .

Goobjoog News