U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Iyo 10 Qodob Oo Wax Laga Soo Badalay Xeer-hoosaadkooda

Sheeko:Baarlamaanka

In kasta oo hadda ay fasax ku jiraan Xildhibaannada baarlamaanka, hadana dhammaadkii kalfadhiga 2aad ee baarlamaanka 10aad, waxaa golaha shacabka la horkeenay Xeer-hoosaadka oo wax badan laga soo badalay.

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka golaha shacabka.

Qodobada Xeerhoosaadka:

1. Xildhibaannada waa in ay soo xaadiraan fadhiga golaha shacabka, la diiwaan-geliyo 09:00 AM..haddii la gaaro 11.00AM waxaa la joojinayaa diiwaan-gelinta, soo daahidda 5 maalmood waxaa aya la mid tahay maqnaashiyo hal maalin.

2. Guntanka ama Quarum: Kulan kasta oo golaha shacabka wuxuu ku furmayaa(50%+1) tirada guud ee xubnaha.

3.  Golaha shacabka sanadkii waxaa uu yeelan karaa labo kalfadhi oo caadi ah, kalfadhi kasta waxaa uu soconayaa ugu yaraan 4 bil, golaha waxaa uu kale uu qaban karaa kalfadhiyo aan caadi aheyn, fasaxana waa labo bil.

4.  Iyaga oo guddiga joogtada ah qeybiyeen ajendaha 12 saac ka hor fadhiga loo dhanyahay ayaa hadana waxaa dhici karta in 10 Xildhibaan codsan karaan in wax cusub lagu daro ama wax laga badalo, waxaa markaasi guddoonka la gudboon in uu ku soo daro ajendaha isla fadhigaas haddii ay u codeeyaan(50%+1) ee tirada fadhida.

5.  Cob-bixinta golaha shacabka waa gacan taag ama cod qarsoodi ah, guddoomiyaha ayaa sharaxaya hab-raaca, haddii ay timaado duruufo gaar ah waxaa ay xildhibaannada soo jeedin karaan codka gacan taagga ah in loo bedelo qarsoodi, 20 Xildhibaan ayaa sidaasi soo jeedin karta. Haddii codeyn mooshin la keenay ay barbar dhac noqoto, mooshinkaas ma meel-marayo haddii codbixinta ay gacan taag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynaya si uu u kala saaro labada dhinac.

6. Xildhibaanka ma hadli karo fasax la’aan, waa in uu istaag ku hadlaa, haddii Xildhibaan qas keeno, waxaa lagu amrayaa in uu fadhiga ka baxo, haddii uu sii wado waxaa la ganaaxayaa in 3 maalin ka maqnaado fadhiga golaha.

7. Dhaxgal Toosineed(Point of order): Xubin kasta waxaa ay codsan kartaa dhaxgal toosineed, xubinta fursadda la siiyo waxaa ay si toos ah uga hadleysaa qodobka iyadoo soo koobeysa, kamana hadli karto wax ka baxsan qodobka uu u istaagay.

8. Ka doodista Mooshinnada: golaha shacabka waxaa uu ka doodayaa hindise sharciyeedyada iyo soo jeedinada qaraarada. Soo  jeedinta hab-raaca waxaa ka mid ah: fadhiga oo dib loo dhigo, dood dib loo dhigo, dhaxgal toosineed, xaqiijin guntan, midda nuxurka waxaa ka mid ah: hindise sharciyeed, wax ka badalkiisa, wax ka badal xeer-hoosaadka, eedeyn madaxweyne, kalsooni kala noqosho ra’isul wasaare iyo xil-ka qaadista guddoonka.

9. Xubnaha golaha shacabka waa in ay istaagaan marka ay soo galaan xubnahan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Guddoomiyaha golaha shacabka ama sii hayaha xilka guddoomiyaha, madaxweyne shisheeye oo lagu marti-qaaday ama wakiilkiisa, guddoomiye baarlamaanka ee dal kale.

10. Curinta sharciyada: Curinta sharciyada waxaa ay u dhici kartaa 2 habraac: Hindise sharciyeed ay soo curisay xukuumadda ama mashruuc sharciyeed oo ay soo curiyeen baarlamaanka.

Goobjoog News