U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo 9 Xubnood U Magacaabay Arrimaha Fatahaadaha Wabiyada

Sheeko:Dalka

Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo kulan yeeshay ayaa looga hadlay dagaalka ka socda Tukaraq, fatahaadda webiyada dalka iyo sida la sheegay qorshayaasha horyaala golaha shacabka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ay 9 xubnood u mgacaabeen  fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Goobjoog News