U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Akhrinta Labaad Marinaya Hidise Sharciyeedka Howlgabka Iyo Xaqsiinta Ciidamada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaasi arrimo muhiim ah looga doodi doono.

Guddiga difaaca baarlamaanka ayaa la filayaa in xildhibaannada ay horgeeyaan hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada kaasi oo mari doona maanta akhrintiisa Labaad.

Hidise sharciyeedkan ayaa muhiimad gaar ah u leh ciidamada, waxaana la filayaa in sidoo kale xildhibaannada ay ka doodaan.

Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ayaa bishii September 2017 waxay meelmariyeen sharcigan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News