U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Akhrinta Saddexaad Marinaya Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay kaga hadli doonaan ajande dhowr ah.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo horyaala xildhibaannada golaha oo si weyn uga dooday sharcigan kulamadii ugu dambeysay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay meel mariyaan sharci doorasho oo qeexaya nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2021