U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Dib u Eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Sharciga hanti-dhawrka guud ee qaranka, waxaana la ansixiyey kalfadhigii shanaad taariikhda markii ay ahayd  January 29, 2015 kadib waxaa loo gudbiyay madaxweynaha Federaalka si uu u saxiixo dabadeedna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Madaxweyna Soomaaliya markii uu akhriyay sharciga waxaa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in qodobo ka mid ah hindise sharciyeedka la waafajiyo dastuurka.

Guddiga miisaaniyadda maaliyadda, qorsheynta iyo la xisaatanka hay’adaha dowladda ayaa golaha shacbka usoo gudbiyay talooyin  iyagoo soo jeediyay in sharciga Hani-dhowrka lagu sameeyo isbedello xaddidan ee hoos ku faahfaahsan.

Madaxweynaha waxaa uu soo jeediyay in magacaabista guddiga Madaxa Banaan Hani dhowrka lagu kobo qodobka 114 oo laga saaro qodobka 112, isla qodobkaas ayuu ku raacay Guddiga.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in deymaha dowladda la amaahiyo lagu daro Dakhliga dowladda oo markii hore ku koobnaa Cashuuraha, Adeegyada, Deeqaha, Hantida iyo ilaha shaqaalaha dalka, arintaas ayuu Guddiga Madaxweynaha ku raacay.

Arinta ku saabsan dhismaha xafiiska hanta-dhowrka guud waxaa uu Madaxweynaha soo jeediyay in qodobka 112 aanu Khuseyn magacaabista guddiga Madaxa Banaan, taas oo sidoo kale guddiga uu ku raacay.

Qodobka Afaraad waxaa uu Madaxweynaha soo jeediyay in La Xisaabtanka Gollaha la hoos geeyo Golaha shacabka, soo jeedintaas uu guddiga qaatay.

Madaxweynaha waxaa uu codsaday in la caddeeyo cidda hanta-dhoruhu usoo jeedinayo Magacaabista iyo Xil ka qaadista Madaxda Waaxyaha xafiiska Hanti dhowrka, dood dheer kadib Guddiga arinkaas Madaxweyn aha ayuu ku raacay.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale soo jeediyay arinta Xasaanad ka qaadista Hanti-dhorka guud, arintaas uu guddiga ku raacay.

Madaxweynaha waxaa uu soo jeediyay in Hanti dhowraha guud uu istiqaalada u gudbiyo cidda awoodda u leh Magacaabistiis.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madaxweynaha soo jeediyay in Hanti-dhowrka uu sidoo kale Warbixinadiisa u gudbiyo Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Madaxweynaha arintaas oo lagu raacay.

Maanta oo Taariikhdu tahay August 22, 2015 ayey Ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Sharciga hanti-dhawrka guud ee qaranka .