U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku yeeshay  kulanka 28aad, kalfadhiga 2aad.

Kulanka oo ay soo xaadireen 150, waxaa  shir guddoominayey afhayeenka golaha Maxamed  Cusmaan Jawaari waxaa uu ajendaha ahaa u codeynta hindise sharciyeedka Biyaha iyo warbixinta xisaab xirka 2015/2016/

Codeynta loo qaaday hindise sharciyeedka Biyaha,147 Xildhibaan ayaa ogolaatay halka 3 Xildhibaan iska diideen.

Waxaa sidoo kale golaha loo qeybiyay warbixinta guddiga maaliyadda ee xisaab xirka 2015/2016.

Warbixinnada oo aad u dheeraa waxaa sanad walba si faah-faahsan looga hadlayaa qeybaha kharash bixinta, warbixinta dakhliga miisaaniyadda iyo mushaaraadka shaqaalah, waxaa kale oo ls bar-bar dhagay 2015/2016.

Xildhibaannada qaar ayaa guddoonka golaha shacabka weydiiyay Mooshin la  keenay 5 maalmood ka hor:

Mooshinka waxaa lagu sheegay in guddoonka golaha shacabka uu ku xadgudbay xeer hoosaadka GSHS, iyada oo intaasi lagu daray in si sharci-darro ah loo abaabulay guddoonka guddiyada golaha shacabka iyo xubnaha baarlamaanka u matala urur goboleedyada.

Xildhibaannada Mooshinka saxiixay oo 38 gaaraya waxaa ay qabaan in guddiyada golaha shacabka iyo xubnaha baarlamaanka ee urur goboleedyada ay ka muuqato eex  iyo nin jecelsi ku qotoma musuq-maasuq, iyada oo soo jeediyay in dib loogu noqdo labada arrin si looga saaro musuqa ka muuqda qaab-dhismeedka hadda jira.

Goobjoog News