U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Qaraarka Canshuurta Gunnooyinka Iyo Wasiirka Amniga Oo Akhriyay 2…

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta yeeshay kulanka 32aad ee kalfadhiga 2aad, waxaa shir guddoominayey  Maxamed Cusmaan Jawaari.

Ajendaha kulanka waxaa uu ahaa: Qeybinta xisaabcelinta gargaarka degdega ah gaar ah ee Xildhibaannada, ansixinta soo-jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib-u-eegista canshuurta gunnooyinka ee ku noqoashada miisaaniyadda sanadka 2017, Akhrinta 1aad hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada, Akhrinta 1aad Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Ugu horeyn, waxaa la qeybiyay Kharajka ay bixiyaan Xildhibaannada ee loo isticmaalo daryeelka, qoyska Xildhibaannada waxaa ku baxday kharaj dhan: 757,000,00, Xildhibaannada Jiran waxaa ku baxay: 260,439,00, Xildhibaannada geeriyooday waxaa duug ahaan loo isticmaalay: 38,500,00, Kharajka lagu bixiyay dhaawacyada iyo dhimashadii qaraxii baarlamaanka: 79,000,00, Xildhibaannada ka hor dhintay qaraarka daryeelka Xildhibaannada: 15,000,00, Xildhibaannada aan weli la siin taakuleynta qoyska: 30,000,00.

Golaha shacabka, waxaa uu sidoo kale ansixiyay soo jeedinta guddiga maaliyadda ku saabsan dib u eegis canshuuraha gunnooyinka ee ku noqoshada miisaaniyadda qaranka 2017, waxyaabaha la ansixiyay waxaa ka mid ah

  1. In dhammaan gunno xiliyeedka la siiyo mas’iiuliyiinta dowladda laga jaro canshuur bileed dhan 8% laga bilaabo October 2017
  2. In wasaaradda maaliyadda dib u eegis ku sameyso shuruucda jirta ee casnhuuraha, waafijiyaanna nidaamyada casriga ah ee maamulka iyo maaliyadda
  3. Xeerka miisaaniyadda waa mid sanadle ah, waxaa wax ka badali karo oo keliya golaha shacabka
  4. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in xukuumadda diyaariso xeer nidaamiye qeexaya gunno xileeydka baarlamaanka federaalka ah si waafaqsan xeer-hoosaadka golaha shacabka oo dhaqan gala sanadka misaaniyadeedka 2018
  5. Guud ahaan xukuumadda, gaar ahaan waraasadda maaliyadda waxaa la farayaa in miisaaniyadda dhaqan-geliyaan sida ku cad go’aanka golaha shacabka ansixiyay
  6. Qaraarkan waxaa uu dhaqangalayaa marka uu ansixiyo golaha shacabka

Dhinaca wasiirka amniga gudaha Maxamed AbuukarIslow (Ducaale) ayaa Xildhibaannada golaha shacabka u akhriyay hindise sharciyeedka la-dagaallanka argigixisada iyo Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Maalinta sabida ah, waxaa golaha shacabka soo booqan-doona xubno ka socda guddoonka baarlamaanka dalka Djioubti.

Cabdifitaax Kalgacal, Golaha Shacabka, Goobjoog News