U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray.

Kooramka  Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay xildhibaanada kulamada golaha ka maqan aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, islamarkaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Goobjoog News