U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Kootada Haweenka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan maanta golaha shacabka ay isugu yimaadeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku meelmariyeen, xeerka qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka ah, kaas oo maalmahan  golaha uu  dood dheer ka lahaa.

Kulanka oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan , xeerka ayaa waxaa ogolaaday 134 xildhibaan halka ay diideen 7 xildhibaan, kulanka ayaa qeyb ka ahaa kala fidhiga 7-aad ee golah.

Doodda maanta oo aheyd maalintii 2-aad ayaa la isku raacay in aan qoondada haweenka  loo gaar yeelo aan lagu midda darin ragga , taas ayaa waxaa ka dhigan tahay in kuraasta golaha ay hadda haweenku ay hayaan kaliya ay u tartami karaan haween Baarlamaanka soo socda 11-aad.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirka sooxiray ayaa waxaa uu sheegay in xeerkaan oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen guddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka uu yahay mid ansax ah hadda wixii ka dambeeyo laguna dhaqmaayo.

Goobjoog News