U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Sharciga Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Ciidamada Qalabka Sida

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Codeyn golaha ka dhacday, 171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusay ma jiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.

Goobjoog News