U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Arrimo Amniga La Xiriira ugu Yeeray Labo Wasiir

Sheeko:Amniga

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu warramayaa inuu arabacadii u yeeray labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda Xasan Cali Kheyre si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga.

Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed Caamaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo.

24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn.

Goobjoog News