U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Beeniyay Wararka Ku Aadan Safarka Guddoomiye Aadan Madoobe

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa safar ku maraya wadamo dhowr ah oo ku yalla qaaradda Yurub, waxaana dalal dhowr uu booqday uu kulamo la qaatay guddoonka Baarlamaannada, isaga oo kala hadalay iskaashiga labada dhinac iyo sidii wadamada reer Yurub taageero u siin lahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa waxaa safarkiisa maalmihii ugu dambeeyaysay baraha bulshada lagu qorayay hadallo kale oo la xiriira socdaalka uu ku marayo dalal ka mid qaaradda Yurub, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow) ayaa ka warbixiyay u jeedka safarka guddoomiyaha ee Yurub, kadib markii ay soo baxeen warar kale duwan oo ku aadan.

” Social Media waxaan ka arkaynaa  warar fool xumaynaya wafdiga guddoomiyaha iyo Baarlamaannada adduunka kulamada uu la samaynayo, dad suurad xumaynayo, oo si xun u fasiraayo, oo Social Media ka wada, oo ay  ka muuqato mas’uuliyad darro, isla markas aan ka suurtoobin guddoomiyaha Baarlamaanka iyo magaca Baarlamaanka Soonaaliyeed aan u qalmin in niman magac Soomaaliyeed  sheeganaayo ay suurad xumaynayaan” ayuu yiri  Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay in guddoomiyaha wadamadii yy tagay madaxdii uu kula kulmay ay wada qaateen kulamo miro-dhal ah, kaas oo looga hadlay sidii Baarlmaannada dalalka reer Yurub taageeroay  u siin lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu carabka ku adkeeyay in kulamadaas guulo laga gaaray sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan hadda joognaa magaalada Vienna, halkaas oo aan kaga qeyb galnay Baarlamaanka Austria, guddoomiyehiisa iyo guddoomiyeheena Baarlamaanka  heshiis iskaashi oo dhanka Baarlamaanka ah ay wadagaleen, islamarkaas sida la socotaan baeyahaan waxaa uu ku maraayay booqashooyin ay u fidiyeen guddoomiyeyaashada Baarlamaanka dalalka sida Netherland, Belgaum Austria iyo Luxembourg” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow).

Hadalka kasoo baxay Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (General ciiroow)  ee ku aadan safarrada Aadan Madoobe uu ku joogo qaar kamid ah wadamada Reer Yurub ayaa waxaa ay kusoo aadayaan maalmihii tahay Baaha ay ku kulanto Bulshada siyaabo kale duwan looga hadlayay safarka guddoomiye Aadan Madoobe ugu ambabaxay Yurub.

Goobjoog News