U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Berri Codka Kalsoonida U Qaadaya Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga howlaha guud ee golaha shacabka AbdiFatah Ismael Tahir oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in berri uu golaha shacabka kulan ka yeelan doono mustaqbalka wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

AbdiFatah Ismael Tahir ayaa intaa ku daray in loo yeeray wasiirka, Xildhibaannada ay ka doodi doonaan arrintiisa haddii uu yimaado iyo haddii kalaba.

Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril oo la sheegayo in uu u gafay golaha shacabka ayaa la sheegayaa in haddii berri la ceyriyo warqad loo qori doono ra’isul wasaare Khayre si uu u fasaxo wasiirka Dastuurka, haddii uu diido ra’isul wasaaraha soo jeedinta golaha shacabka, Khayre ayaa laga doonayaa in golaha hortiisa yimaado oo u sharxo sababta uu u diiday amarka golaha.

Arrinta Wasiirka Dastuurka ayaa meel Qatar ah gaartay kadib markii sida la sheegay wasiirka uu golaha hor iman waayey Axaddii, isaga oo sheegay in arrimo xanuun dibadda u aaday, waxaa intaa dheer, Xoosh waxaa uu si joogta ah warar iyo xog ugu qoraa baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twetter.

Qodobka Lagu Ceyrin Karo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril, waa qodobka 69aad, faqradiisa C

(c)        U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;

Goobjoog News