U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ka Dooday Qaraarro Ku Saabsan Abaaraha, Doorashada Guddoonka Golaha Iyo Arrimo Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka kulankiisa maanta waxaa ajendihiisa ka mid ahaa qaraar ku saabsan doorashada guddoonka golaha shacabka, doorashada madaxweynaha iyo magacaabista ra’isul wasaaraha, waxaa kaloo ka mid ahaa qaraarka abaaraha iyo dhaarinta madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka mid noqday xildhibaannada sida uu qabo dastuurka.

Qaraarka inta badan laga dooday waa qaraarka abaaraha iyo sidii baarlamaanka uu shaqo uga qaban lahaa arrimaha abaaraha, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo ka keenay lacagaha la helo sidii loola socon lahaa halka ay maraan, waxaa sidoo kale la isweydiiyay sida loola xisaabtami karo dalalka deeq-bixiya lacagaha ay bayoohaan halka ay marsiiyaan hey’adaha caalamiga?

Dalka waxaa jira abaarro, in ka badan 80o oo Milyan ayey qaramada midoobay sheegtay in loo baahan yahay si loogu gargaaro abaaraha Soomaaliya, lacagahaas inta badan waxaa ay ku dhacaan gacan aan la ogeyn, isla xisaabtankana aad ayuu u adag yahay, taasi oo golaha shacabka ka dhexdhalisay su’aalo badan.

Dhinaca kale, waxaa maanta la dhaariyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh sida uu qabo Qodobka 64aad oo ka hadlaya Tirada xubnaha Golaha Shacabka.

Qodobkaas faqradiisa afaraad(4) waa uu u qoran yahay sida:

(4)         Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.

Waxaa kaloo xukuumadda la faray in soo diyaariso gunno bileed iyo deeqaha kale ee uu xaq u yeelanaayo madaxweye Xasan Sheekh Maxamud, waxaa kaloo xogeheynta la faray in ay qaraar keento, Faafinta rasmiga lagu daabaco, kulanka xigana la keeno baarlamaanka si loo ansixiyo

Maanta golaha shacabka, waxaa joogay 154 Xildhibaan.

Goobjoog News