U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ka Doodaya Arrinta Wasiir Xoosh

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ay ka doodaan arrinta wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxaana sidoo kale wasiirka mar kale looga yeeray xarunta golaha.

C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ah guddoomiyaha guddiga howlaha guue ee golaha shacabka ayaa Goobjoog News u sheegay in maanta goluhu ay ka doodi doonaan mustaqbalka wasiirka.

Waxa uu sheegay Mudane Daahir in sidoo kale loo yeeray wasiirka, xildhibaannada ay arrintiisa ka doodayaan haddii uu yimaado iyo haddii kale.

Arrinta Wasiirka Dastuurka ayaa meel Qatar ah gaartay kadib markii sida la sheegay wasiirka uu golaha hor iman waayey Axaddii, isaga oo sheegay in arrimo xanuun dibadda u aaday, waxaa intaa dheer, Xoosh waxaa uu si joogta ah warar iyo xog ugu qoraa baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twetter.

Qodobka Lagu Ceyrin Karo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril, waa qodobka 69aad, faqradiisa C

(c)        U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News