U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Ka Doodey Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax Oo Lagu Gubey Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax.

Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay

Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin  oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.

Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa.

Xildhibaan Maxamed Gacal oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa ku dheeraatay xadgudubyada iyo xalka.

Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jraaan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-eegista xeer hoosaadka golaha shacabka.