U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Liiska Xildhibaannada Maqan u Gudbiyey Guddiga Anshaxa

Sheeko:Dalka

Kulankii maanta ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan kadib markii xildhibaannada tahay ay noqdeen 123, halka laga rabay 138.

Guddoomiyaha golaha shacab Maxamed Mursal oo goobta ka hadlay ayaa amray in liiska xildhibaannada maqan loo gudbiyo guddiga anshaxa si talaabo looga qaado.

Mr. Mursal oo arrintaas ka hadlaya waxa auu yiri “Saacaddu waxaa ay timaameysaa 11, waqtigii uu qorayey xeer hoosaadka golaha shacabaka waa la joogaa, kooramka waxaa uu maraa 123, sidii horay aan ku balanay xeer nidaamiyeyaasha waxaa iney u gudbiyaan guddiga anshaxa liisaska ay hayaan, markan xaadirin uma baahno ee waxaa ay u baahantahay ficil, sidaas darteed waxaan amreynaa xeer nidaamiyeyaasha iney ku wareejiyaan liisaska ay hayaan guddiga anshaxa. Maadaama kooramku aanu dhameyn fadhigii ma furmin”.

Todobaadkii hore waxaa la yeeriyey xildhibaanno u badan wasiirrada xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre kuwaas oo aan iman kulamada golaha shacabka.

Goobjoog News