U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Hadlaya DP World Iyo Berbera

Sheeko:Dalka

Golaha Shacabka ayaa maanta qabanaya kulanka koowaad kalfadhiga 3-aad, ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay DP World iyo heshiiska  Berbera, waxaa kaloo laga hadli doonaa xeerhoosaadka.

Doraad ayay ahayd markii uu furmay kalfadhiga 3-aad ee baarlamaanka waxaana furay kalfadhiga madaxweynaha Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka maanta ayaa waxaa lagu eegayaa heshiiska saddex-geesoodka ah ee u dhaxeeya DP World , Somaliland iyo Itoobiya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in heshiiska Berbera uu yahay mid waxba kama jiraan ah, dowladda Soomaaliyana aysan waxba kala socon cid wakiil uga ahna aysan jirin.

Heshiiska DP World, Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa uu dhacay todobaadkii hore waxaana loo qaybsaday saamiga DP World 51% Somaliland 30%, halka Itoobiya ay heleyso saami dhan 19%.

Goobjoog News