U bood dhigaalka

Golaha Shacabka Oo Maanta Kulmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa.

Kulanka maanta ayaa looga hadli doonaa arrimaha xeer-hoosaadka golahan, kadib markii wax ka bedal lagu sameeyey.

Arbacadii lasoo dhaafay, kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa u baaqday Kooram la’aan.

Maantana lama oga in si la mid ah Arbacadii oo kale ay dhici doonto, balse guddoonka golaha shacabka waxa uu ku wargeliyey xildhibaannada in ay waqtiga dhowraan oo ay kulamada golaha soo xaadiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News